Xubin ka mid ah SD oo loo diray in uu Swedish soo barto

4

Mid ka mid ah golaha kamuunka Eslöv oo u matala xisbiga cunsiriga Sverige Demokraterna (SD) ayaa loo diray in uu soo barto luuqado Swedishka ka dib markii ay ka dacwoodeen xubnaha kale ee kolaha ayagoo sheegay in aysan fahmin luuqada uu ku hadlo.

Ninkaan oo ah raga ugu caansan  SD ayaa lagu magacaabaa Arvid Frandsen asagoo ku dhashay gobolka Jyllands ee Denmark halkaas oo looga hadlo lahjad ka duwan kuwa kale.

Gudoomiyaha goloha kamuunka Christine Melinder oo ka tirsan xisbiga Moderatka ayaa sheegtay in aysan guud ahaan fahmin ninkaan luuqada uu ku hadlo. Xitaa waxaa loo keenay turjumaan asagoo ku guul dareystay in uu fahmo.

Xisbiga SD ayaa lagu yaqaanaa in ay sheegtaan in ay Swedish dhab ah yihiin oo neceyb u qaba dadka soo galootiga ah. Waxaa haboonaan lahayd haddii la fariisin lahaa ninkaan fasal ka mid ah SFI.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here