Soo galootiga oo amaan daro dareemaya

2

Sida lagu ogaaday cilmi-baaris ay dhaween sameeyeen labo hey’adood oo kala qaabilsan ka hortaga dambiyada iyo baaritaanka nabadgelyada laguna kala magacaabo (trygghetsundersökning –NTU), iyo (Brottsförebyggande rådet – Brå), 4-tii qof oo soogalooti ahba mid ka mid ah ayaa dareemaya amaan dari, halka dadka wadanka u dhashayna ay u arkaan in xaalada amaan hada ka soo raynayso.

Waxaa kale oo dadka ajaanibta ahi si weyn u saluug sanyihiin nidaamka cadaaladeed ee wadanka Sweden , halka dadka wadanka u dhashayna ay aad ula dhacsanyihiin nidaamka cadaaladeed ee wadankooda.

Gobolka Skåne oo ku yaala koofurta Sweden ayaa ah gobolka ugu badan ee ajaanibtu amaan xumada ka sheeganayaan.

ikastaba ha ahaatee qaar ka mid ah madaxda booliska ayaa sheegay in ay dadaal u galeen sidii dadku ku dareemi lahaayeen amaan dhab ah, hayeeshee taasi aysan wali ku guuleysan marka la eego sidad dadka ajaanibta ahi u fakarayaan.

Saciid Cabdi Cusman, Uppsala

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here