Qaadashada laysanka iyo magaalooyinka

2

Warbixin ay soo saartay Laanta Isku Socodka ayay ku soo bandhigtay magaalooyinka kala duwan ee Sweden iyo tirada dadka ku baasa imtixaanka Laysanka. Magaalada Skellefteå ee waqooyiga Sweden ayaa ah mida ugu fudud ee dadku ay ku baasaan imtixaanka ayadoo 70% dadka imtixaanka gala ay baasaan.

Farsta oo ka tirsan Stockholm ayaa in ka yar 40% ay ku baasaan imtixaanka. Arintaan ayaa lagu macneeyay in dadka ku nool Skellefteå ay iskuulada dhigtaan halka Farsta dadkeedu ay mashquul yihiin oo aysan iskuulka si toos ah u dhigan.

Balse arintaas ayaa waxaa shaki galinaya isbarbar dhig kale, magaalada Uppsala ayaa waxaa sidoo kale baasa in ka yar 40% dadka imtixaanka gala halka Västerås oo aan sidaas uga fogeyn ay in ka badan 60% baasaan. Qubarada ayaa ku macneeyay in arintaas ay keentay maadaama ay Uppsala tahay magaalo ardaydu u badantahay ayagoon iskuulka Gaariga si fiican u dhameysan, Halka Västerås ay tahay magaalo warshadeed oo dadkeedu si fiican iskuulka u dhigtaan.

Si kastaba ha ahaatee warbixintaan ayaa iftiin ku muujineysa sida ay u kala duwan yihiin magaalooyinka kala duwan marka ay timaado imtixaanka Laysanka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here