Nolosha Malung-Sälen

13

Kamuunka Malung-Sälen waa kamuun  ku dhow xuduuda Norway kaasoo ka tirsan gobolka Dalarna. Kamuunka ayaa magaciisa hore waxa uu ahaa Malung ayado 2008 la go’aamiyay in loo bixiyo  Malung-Sälen si loo suuq geeyo Sälen oo ah goob dalkiis.

Soomaalida Malung-Sälen ma fara badna ayagoo u badan familo.

Guryaha: Helitaanka guryaha ma dhib badna. Abdinasir Abdirashid Ali oo kamuunka u qaabilsan soo dhaweynta Soomaalida cusub ayaa noo sheegay in ay diyaar u yihiin in ay ku soo dhaweeyaan Soomaalida dooneysa in u soo wareegaan Malung-Sälen oo guryo ay siinayaan.

Qiimaha guryaha ayaa ah 2 qol waa 4200 ilaa 4500, 1 qol waa 2700 ilaa 3200.. ayadoo intaas ay dadka u sii dheertahay lacagta Bostad Bidraga oo aan laga goosaneyn.

Waxbarashada: Magaalada waxaa laga dhigaa SFi ayadoo dadku ay dhigtaan 3 saacadood inta kalena ay guryahooda joogi karaan qofkii firfircoon waxa uu raadsan karaa Baraktik ama shaqo. Dhinaca kale magaalada ayaa waxaa laga bixiyaa koorso dadka lagu barayo sidii ay ku qaadan lahaayeen Körkortka.

Shaqada: Kamuunka Malung-Sälen waa mid ku fiican shaqada ayadoo qofkii firfircoon uu shaqo heli karo.

Nolosha Guud: Magaalada waa mid iska yar oo caafimaad leh, dukaamada waxaa ku yaal ICA iyo Hemköp waxaa laga helaa hilip xalaal ah. Goobaha muhiimka ah waxay ku yaalaan Centerka magaalada oo bas looma baahna. Soomaalida ayaa adeega u doonta Borlänge oo 2 saac u jirta.

Isku Socodka: Magaalada ma ahan mid wayn oo basas laysaga dhex raaco, waxaa u dhow Borlänge oo 2 saac u jirta. Waxaa magaalada ka baxa tareemo iyo basas. Stockholm waxaa loo socdaa 4 saac.

Waxaa soo diyaariyay: Abdinasir Abdirashid Ali oo kamuunka u qaabilsan soo dhaweynta Soomaalida. Riix halkaan haddii aad jeceshahay in aad noo soo dirto warbixinta ku saabsan kamuunka aad ku nooshahay.


AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here