Naqshada cusub ee Somaliska.com

3

Salaan qaali ah iga gudooma dhamaan akhristayaasha ku xiran Somaliska.com. Marka hore Alle ayaa mahad iska leh marka xiga horumarka Somaliska waxaa qeyb weyn ka ah taageerada aan hagarta lahayn ee bulshada Soomaaliyeed ee Sweden ay noo fidiyaan hadday ahaan lahayd soo tabinta wararka iyo faafinta bogga.

Somaliska hada waxaa la soo booqdaa 22,000 jeer bishii ayadoo nagala soo booqdo in ka badan 87 wadan. 76% dadka soo booqdo Somaliska waxay ku nool yihiin dalka Sweden ayagoo kala jooga 241 Kamuun.

Maanta waxaan bogga saaray naqshad cusub taasoo noo suurto galineysa in aan la socono isbedelka degdega ah ee uu sameynayo internetka. Naqshada cusub waxaan kaga faaideysan doonaa in aan adeegyo cusub ku soo darno bogga oo ay ka midyihiin Sawirada ay noo soo diraan bulshada, goob bulshadu ay doodaha isku waydaarsato iyo haddii ale idmo Suuq u qaasa bulshada Sweden si ay wax u kala iibsadaan.

Hadaba waxaan idin leeyahay wixii fikir  iyo talo ah fadlan inoogu soo hagaajiya emailka info@somaliska.com ama hoos ku qora.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here