Iskuul ku yaala Rinkeby oo la doonaya in la xiro

5

Qeybta Waxbarashada ee magaalada Stockholm ayaa dooneysa in ay irdaha isugu dhufato Iskuulka lagu magacaabo Bredbyskolan ee ku yaal xaafada Rinkeby ee Stockholm. Iskuulkaan oo ay dhigtaan arday badan oo Soomaaliyeed oo macalimiin luuqada Soomaaliga ku hadla ay ku jiraan kuwa wax ka dhiga. Go’aanka lagu xirayo iskuulka ayaa la qaadan doonaa bisha May ee sanadkaan.

Ardada dhigata iskuulka ayaa loo wareejin doonaa iskuulo kale ayadoo xaafada Rinkey uu ku harayo oo keliya hal iskuul. Ardada iskuulka ayaan ku qanacsaneyn arintaan ayagoo hada doonaya in ay badbaadiyaan iskuulka, ardada iyo waalidiinta ayaa sameeyay koox Facebook si ay u muujiyaan diidmadooda.

Rinkeby ayaa ah xaafada ay ugu badanyihiin dadka soo galootiga ah ee ku nool Stockholm ayadoo lagu magacaabo Muqdishada yar. Dadka qaar ayaa sheegaya in dowlada ay barakicin ku wado xaafadaha soo galootiga oo adeegyada muhiimka ah si tartiib ah ay uga guurayaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here