Dhalinyaro la doonayo in lagu celiyo Soomaaliya

3

Sweden ayaa dooneysa wiil dhalinyaro ah in ay ku celiso Soomaaliya ka dib markii loo diiday sharciga degenaanshaha dalka. Wiilkaan oo hada ku xiran xabsi ku yaala magaalada Flen ayay Sweden u sheegtay in ay ku celinayaan Soomaaliya ayagoo geeynaya ilaa Dubai ka dibna la doonayo in uu isdebaro.

Rooble Abdulahi Dhaloole oo ah gudoomiyaha urur lagu magacaabo Somali Refugee Victims Organisation oo ay ku mideysan yihiin Soomaalida sharci la’aanta ah ee Sweden ku nool ayaa ii sheegay in ay jiraan dhowr qof oo Sweden ay ku celisay Soomaaliya kuwaasoo la geeyay wadamada deriska ah.

Wiilkaan ku xiran Flen iyo Wiil kale oo isna la xiran ayaa hada cuntada ka soomay ayagoo u baahan caawimaada dadka sharciyaqaanada ah ee Soomaaliyeed. Soo lagama yaabo in ay Soomaalidu sameyn karaan sidii Ciraaqiyiinta kuwaas oo u dacwoodey Maxkamada Xuquuqul Insaanke ee Midowdga Yurub taasoo amartay in aan dadkaas la celin.

Sweden ayaa u muuqata in ay wado gadaale u soo mareyso ku celinta dadka Soomaaliya maadaama ay ceeb ku noqoneyso in ay si toos ah dadka ugu celiyaan Soomaaliya ayay u muuqataa in ay heshiis la sameeyeen wadamada deriska ah si ay isaga fogeeyaan dadka la diiday.

Rooble ayaa sidoo kale ii sheegay in ay soo gaareen cabashooyin badan oo la xiriira dhibaatooyin haysta dadka sharciga ka sugaya Sweden kuwaas oo ay ka mid yihiin daryeel xumo caafimaad.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here