Billström oo difaacay shuruuda baasaboorka

42

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström ayaa difaacay shuruuda ay Sweden ku xirtay mideynta reeraha Soomaalida asagoo sheegay in ay shuruudaan darteed kaga hortageen ka ganacsiga dadka. “Waa in aan ka fikirnaa arinta ka gacansiga dadka inta aanan sharciga badalin” ayuu yiri Tobias Billström.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan arintu keliya ahayn Laanta Socdaalka ee xitaa Boolisku uu ku lug leeyahay, waxa uu sheegay in arintu aysan ahayn in laga hortago soo galootiga oo keliya balse ay tahay in laga hortago muqalasnimada iyo ka ganacsiga dadka.

Billström ayaa qirtay in dadka Soomaalida ay ku adagtahay in ay baasaboor keenaan.

Wasiirka ayaa sheegay in dowlada aysan wadan qorshe qarsoon oo ay ku diidantahay qaxootiga Soomaalida balse waxa uu sheegay ajandahooda uu yahay ka hortaga Ka gacansiga dadka. Wasiirka ayaa sheegay in aan xal fudud loo heli karin arintaan asagoo sheegay haddii la taageerayo xuquuqda caruurta in dowlada ay dhowrtay xuquuqdooda maadaama ay joojiyeen ka ganacsiga caruuta.

Wasiirka ayaa marar badan ku celceliyay in shuruuda aqoonsiga ay u saareen si ay uga hor tagaan ka ganacsiga dadka qaasatan caruurta. Si kastaba ha ahaatee waxaa shaki ku jira in wasiirku uu si dhaba u aaminsanyahay in Soomaalidu ay ka gacansadaan caruurta oo ay iibiyaan caruurtooda iyo in uusan rabin qaxootiga Soomaalida ee ku soo badanaya Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here