UPS oo nin Muslima shaqada ka cayrisay

4

Shirkada lagu magacaabo UPS ayaa shaqada ka cayrisay nin Muslim ah ka dib markii uu diiday in uu gargiisa xiiro. Ninkaan ayaa loo sheegay in garku uu ka soo horjeedo siyaasada shirkada sidaas darteedna uu soo xiiro. Waxa uu u sheegay in daysashada garka ay farayso diintiisa, garkiisuna uusan sidaas u weyneyn sidaa darteed uusan xiiri karin.

Intaas ka dib ayaa loo sheegay ninkaan in shaqada laga cayriyay ayagoo u sheegay in Muslimiin kale ay ka shaqeeyaan UPS kuwaas oo garkooda soo xiiray.

Dacwo ka dhan ah UPS ayaa loo gudbiayy  Xeer Ilaaliyaha Sinaanshaha (Diskrimineringsombudsmannen, DO) kaasoo Maxkamada Shaqaalaha (Arbetsdomstolen) ka codsadey in UPS ay siiso ninkaan lacag dhan 150,000 iyo 42,000 oo mushaarkiisii ah.

Qareenka ninkaan ayaa ku dooday in shuruuda shirkada UPS ee ah in garka la xiirto ay tahay mid adag oo aan la sameyn karo maadaama ay taabaneyso dadka diintooda.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here