Xisbiga Miljöpartiet oo doonaya in la fududeeyo mideynta qoysaska

13

Xisbiga Deegaanka ee (Miljöpartiet) oo dowlada kala shaqeeya arimaha soo galootiga ayaa sheegay in ay soo jeedin

Peter Eriksson iyo Maria Wetterstrand

 doonaan codsi ku aadan in la fududeeyo mideynta reeraha soo galootiga ah. Codsigaan ayaa ku wajahan in laga qaado shuruudaha lagu soo rogay soo galootiga markii ay dalbanayaan reerahooda.

Peter Eriksson iyo Maria Wetterstrand oo ah afhayeenada xisbiga ayaa mowduuc ay ku qoreen wargeyska Dagens Nyheter (DN) ay ku sheegeen in aysan dooneyn in xisbiga SD uu saameeyo siyaasada soo galootiga Sweden ayagoo sheegay in shuruudaha lagu soo rogay soo galootiga sida cadeynta aqoonsiga ay kala qeybeynayso familada.

Xisbiga ayaa sheegay in fudeynta xaalada soo galootiga ay u sahleyso in ay bulshada si fiican ula qabsadaan ayagoo sheegay in sidoo kale dadka soo galootiga ah ee ku nool Sweden la siiyo daryeel caafimaad oo la  mid ah dadka kale.

Arintaan uu xisbiga Miljöpartiet ka dhawaajiyay ayaa ahmiyad gaar ah u leh Soomaalida oo shuruudaha aqoonsiga ay si weyn u saameysay. Xisbiga Miljöpartiet ayaa ah mid muhiim u ah xulufada Dowlada ayagoo ka saacida arimaha soo galootiga markii baarlamaanka la joogo. Codsiga Miljöpartiet ayay u badantahay in dowladu ay dhago furan ku dhageysan doonto.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here