Sweden oo ka digtay safarka Tunisia

0
Wasiirka Arimaha dibeda Sweden Carl Bildt ayaa uga digay muwaadiniinta Swedishka ah in ay u safraan dalka Tunisia ka dib markii ay dhacday dowladii dalkaas oo madaxweynihii uu dalka isaga cararay ka dib mudaharaadyo iyo rabsho dhowr maalmood ka dhacayay halkaas.
Raysal wasaare Bildt ayaa sidoo kale sheegay in ay masuuliyad ka saarantahay midowga Yurub in ay caawiyaan Tunisia asagoo sheegay in ay Tunisia tahay dariskeena.
R/wasaaraha Tunisia Mohammed Ghannouchi ayaa sheegay inoow gacan ku heynta talada dalka si kumeel gaar ah ula wareegay sidoo kale waxa uu ku wargaliyay asxaabta siyaasada ineey iskugu yimaadaan shir deg deg si wax looga qabto arintaan taagan, asagoo balan qaaday in uu guda galo ilaalinta distuurka siyaasada.
Madaxweynihii Zine el Abdidine Adel iyo qaar kamid ah  eheladiisi ayaa u baqoolay dalka Sacuudi arabiya isla markaana kala diray Dawladiisa kahor inti uusan kabixin dalka sheegayna in dalku uu ku jiro xaalad deg deg ah ,sidoo kale Zine el Abdidine ayaa hay,daha doorasha kuwar galshay in doorashi baarlamaan ay dhici doonto 2012 intoowsan bixin kahor .
WD C-laahi Massago
AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here