Safaarada Sweden ee Uganda oo laga yaabo in la xiro

15

Safaarada Sweden ay ku leedahay dalka Uganda ayaa ku jirta liiska dhowr safaaradood oo laga yaabo in ay xirto wasaarada arimaha dibeda ee Sweden. Sweden ayaa horey u go’aansatay in ay xirto 5 safaaradood ka dib markii baarlamaanka ay yareeyeen miisaaniyada dowlada.

Balse liiskaan cusub ayaa lagu soo bandhigay safaaradaha Sweden ay ku leedahay wadamada Guatemala, Jordan, Cyprus iyo Uganda waa haddii ay dowlada u baahato in ay is le’keysiiso miisaaniyadeeda cusub.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha dibeda Sweden Carl Bildt uu go’aansaday in uu xiro safaaradaha ay ku jirto mida Uganda sanadka soo socda.

Haddii dowlada ay ka dhabeyso xiritaanka safaarada Uganda ayay arintaan waxay dhabarjab weyn ku noqon kartaa dadka Soomaaliyeed ee dacwada ka dalbaday dalkaas iyo kuwa qorsheynaya ayadoo Uganda ay noqotay goob muhiim u ah Soomaalida beryahaan dambe.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here