Rajada Soomaalida iyo wararka laysla dhexmarayo

11

Sidii ay noo sheegeen laanta socdaalka Sweden (Migrationsverket) wareysigii aan layeelanay dhowr bilood ka hor waxay rajeynayeen in ay isbedel ku sameeyaan shuruuda adag ee lagu xiray Soomaalidu in ay keenaan baasaboor taasoo ay cambaareyn badan kala kulantay Sweden.

Hadaba beryahaan dambe ayaa waxaa soo baxaayay warar lays la dhexmarayo balse aanan xaqiijin oo sheegaya in Sweden ay qorsheyneyso in ay isbedelkaas sameyso bishaan Janaayo. Walow aanan cadeyn karin isha warkaas laga soo xigtay ayaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka Sweden isbuucan anigoo ka sugaya in ay ii soo jawaabaan isbuuca soo socda haddii alle.

Beryahaan dambe waxaa sidoo kale soo batay in saxaafada Sweden ay xiiseyneyso arintaan oo ay wax ka qorayaan dhibaatada haysata Soomaalidu taasoo ah horumar ay gaareen dadaalada Soomaalida.

Si kastaba ha ahaatee guud ahaan wixii ku soo kordha  arintaan waxaan ku soo daabici doonaa Somaliska anagoo xiriir joogto ah la sameyn doona Laanta Socdaalka iyo dhamaan ilaha kale.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here