Maxkamada Socdaalka oo u fadhida arimaha Soomaalida

39

Sidii aan isbuucii hore idin sheegay waxaan xiriir la sameeyay Laanta Socdaalka Sweden (Migratonsverket) ka dib markii ay soo bexeen warar laysla dhexmarayo oo sheegaya in Laanta Socdaalku qorsheynayso in ay wax ka badasho xaalada Soomaalida.

Hadaba jawaab ayaan ka helay laanta Socdaalka ayagoo ii xaqiijiyay in Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ay goaansatay in ay dib u eegto arimaha Soomaalida oo ay u fadhido arintaas ayadoo go’aan laga sugayo.

Go’aankaas ayay Laanta Socdaalku ii sheegeen in uu noqon doono mid muhiim ah kaasoo noqon doona qaanuun ay raaci doonto Laanta Socdaalka marka ay timaado arimaha Soomaalida.

Nasiib daro waxay ka gaabsadeen in ay ii sheegaan waqti cayiman oo go’aankaas uu soo baxayo.

Si kastaba ha ahaatee arintaan ahaa ah mid lagu farxo oo dareen rajo ku abuureysa bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Sweden.

Maxkamada Sare ee Socdaalka (Migrationsöverdomstolen) ayaa ah midii soo saartay goaanka lagu joojiyay reeraha Soomaalida ayadoo ah mida awooda u leh in ay ka laabato ama wax ka badasho go’aankaas ka dibna Laanta Socdaalka ayaa ku qasban in ay raacdo go’aamada Maxkamada Sare ee Socdaalka.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here