Laanta Socdaalka oo soo bandhigtay aragtideeda Soomaaliya

2

Laanta Socdaalka ayaa soo bandhigtay aragtideeda ku aadan xaalada amaanka ee gobolada kala duwan ee Soomaaliya, aragtidaan ayaa loo isticmaalaa in lagu go’aamiyo codsiyada dadka magan galyo doonka ah.

Warbixintaan ayaa soo bandhigtay in ay xaalado dagaal ka jirto gobolo badan oo Soomaliya ka mid ah, ayadoo warbixinta lagu sheegay in xaalada amaanka ee magaalada Muqdisho aysan is bedelin. Warbixinta ayaa xustay dagaalo beeloodyo ka jira gobolada dhexe.

Warbixinta ayaa sidoo kale taabatay midowgii labada urur ee Xisbul Islaam iyo Xaraka Al-shabaab ayadoo sheegtay in ay tahay isbedel wayn oo ku yimid xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya balse warbixinta ayaa lagu yiri in midowgaas uusan wax wayn ka badalayn xaalada amaanka ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii warbixinta ayaa sheegtay in abaaro aad u xun ay ku dhufteen Soomaaliya ku waasoo wiiqay xaalada bani’aadanimo ee Soomaaliya.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here