Kaarka cusub ee degenaanshaha

16

Laanta Socdaalka Sweden (Migrationsverket) ayaa bilaabeysa bixinta kaarar cusub oo degenaansho,  ka bilaabata maalinta Jimcada ee taariikhdu tahay 20 bisha. Kaarkaan ayaa badali doona warqadii degenaanshaha ee dadka la siin jiray ama baasaboorka la saarijiray. Guud ahaan midowga Yurub ayaa laga bixin doonaa Kaarkaan cusub. Kaarka ayaa waxaa ku keydsansan warbixin ku saabsan milkiilaha sida sawirka iyo faraha.

Kaarka cusub ayaan loo isticmaali karin aqoonsi ahaan balse waxa uu cadeynayaa oo keliya in qofka uu degenaansho ku leeyahay wadanka. Dadka loo ogolaaday degenaanshaha ayaa si toos ah loogu soo diri doonaa kaarka degenaanshaha guryahooda.

Dadka hada haysta warqada degenaanshaha ayaan looga baahneyn in ay kaarka cusub qaataan ilaa uu ka dhaco baasaboorka ama ay dalbadaan baasaboor cusub. Markii la gaaro 2015 ayaa guud ahaan dadka oo dhan lagu qasbi doonaa in ay qaataan kaarka cusub.

Ugu dambeyntii, qofka doonaya in uu u safro dibada ama gudaha Yurub ayay qabsan ku tahay in uu baasaboorkiisa iyo kaarkaan cusub isku qaato.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here