Wasiirka Socdaalka oo loogu baaqay in uu iscasilo

4

Wasiirka socdaalka Sweden Tobias Billström ayay soo wajahday eedeyn kulul ka dib markii

Wasiirka Socdaalka Tobias Billström

hadal sir oo uu u sheegay safaarada Maraykanka la soo bandhigay. Wasiirka Socdaalka ayaa la sheegay in sanadkii 2007 isaga iyo Wasiirka arimaha dibeda Sweden ay kala hadleen yareynta qaxootiga Ciraaqiyiinta ka dib markii ay sheegeen in qalalaase ay keenaan dadkaas Sweden.

Hadalkooda ayaa lagu micneeyay cunsuriyad ka dhan ah Ciraaqiyiinta kana soo horjeeda sharciga Magangalyadoonka Sweden iyadoo xubno fara badan oo ka tirsan siyaasiyiinta Sweden ay cambaareeyeen hadalkaas. Wasiirka Socdaalka ayaa maalmihii la soo dhaafay diiday in uu faahfaahin ka bixiyo hadalkiisa asagoo Axadii sheegay in uusan dhihin wax ka soo horjeeda sharciga magangalyadoonka Sweden.

Hogaamiyaha xisbiga Social Demokraterna Mona Sahlin ayaa ku tilmaantay sirta Wasiirada mid fadeexad ah ayadoo sheegtay in loo baahanyahay in ay cadeeyaan hadalkooda.

Gudoomiyaha Xisbiga Liberalka qeybtiisa dhalinyarada oo ay xulufo yihiin xisbiga talada haya ayaa ugu baaqay Wasiirka Socdaalka in uu is casilo Tobias Billström.

Websiteka Wikileaks ayaa caalamka ka qaylisiiyay ka dib markii ay bilaabeen dhamaadkii sanadkii la soo dhaafay daabacaada 250,000 dokumentiyo sir ah oo ay leedahay safaaradaha maraykanka ee ku kala yaal caalamka. Ayadoo daabacaadaas ay keentay in wadamo badan ceeb ka raacdo hadala qarsoon ee ay maraykanka u sheegaan.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here