Soomaali Sweden joogta oo laysku diiday

2

Waxaa muuqada shuruuda adag ee Sweden ay ku soo rogtay Soomaalida in aysan ku koobneyn oo keliya dadka dalbanaya reerahooda ku nool Afrika iyo wadamada kale balse xitaa Sweden waxay diidey in ay sharci deganaansho siiso dadka Soomaalida ah ee Sweden gudaheeda ku sugan kuwaas oo ay halkaan u joogaan reerahooda.

Dadkaan ayaa u badan kuwo ka soo galay Talyaaniga iyo Malta oo halkaan ay u joogaan xaaskooda ama seygooda kuwaas oo Sweden ay hordhigtay shuruuda adag ee ah in ay cadeeyaan aqoonsigooda Soomaalinimo.

Arintaan ayaa cajiibkeeda leh waayo dadkaan waa dad dalka gudahiisa ku sugan oo ahaan u baahneyn baasaboorka Framlingspass si ay wadanka u soo galaan kaasoo ahaa midii ay joojisay Maxkamada Socdaalka balse waxaa layaableh in Sweden ay qaabisho dadka iska dhiiba dalka gudahiisa oo Soomaalida isku dhiiba ayagoon lagu xujeyn in ay cadeeyaan Soomaalinimadooda halka kuwa reerahooda halkaan u joogaan ee ayaguna ku sugan dalka gudahiisa la diidayo.

Si kastaba ha ahaatee arinta Soomaalida Sweden ayaa u muuqata mid cakiran oo ay dadku dhagta u dhigayaan isbedelka ay soo wado Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here