Ardada soo galootiga oo iskuulada ku liita

1

Natiijada ardada ku nool xaafadaha ay ku badan yihiin dadka soo galootiga ah ayaa aad hoos ugu dhacday ayadoo baaritaan lagu sameeyay 38 xaafadood oo ka tirsan Sweden ay soo bandhigtay arintaas.

Kajsa Yang-Hansen oo ka tirsan jaamacada Göteborg ayaa arintaan baaritaan ku sameysay ayadoo sheegtay in sababta ay natiijada ardada hoos ugu dhacday ay tahay in ay siyaaday kala qeybsanaanta u dhaxeysa ardada Swedishka ah iyo kuwa so galootiga ah.

Ayadoo sidoo kale sheegtay in ay arintaan keentay macalimiinta oo aan jecleyn in ay ka shaqeeyaan goobaha ay u badanyihiin dadka soo galootiga ah.

Goobaha baaritaanka lagu sameeyay waxaa ka mid ah xaafada ay Soomaalida u badanyihiin ee Rinkeby, Stockholm.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here