Home News in English Labo wiil oo walaalo ah oo lagu Xukumay Musaafurin iyo Xabsi daa’in...

Labo wiil oo walaalo ah oo lagu Xukumay Musaafurin iyo Xabsi daa’in gudaha Sweden

0
Foto: Robin Persson/SVT

Maxkamad ku taal Sweden ayaa maanta xukuntay laba wiil oo walaalo kuwasi oo lagu eedeeyay toogashada loog geestay wiil 19 jir ah oo ay toogteen koox ka tirsan kooxaha ku sugan Nyköping
xagaagii hore.

Maxkamada ayaa sidoo kale go’aamisay in si rasmi ah labada nin looga masaafuriyo Sweden lagana hor istaago inay ku soo laabtaan wadanka.

Dilka oo ka dhacay Nawaaxiga Rosvalla oo ku taal Nyköping 8 juun, ayaa lagu dilay wiilkaasi dhalinyarada oo 19 sano jir waxana looga shakisanaa dhoor qof.

Laba qof oo kale ayaa sidoo kale looga shakiyay inay ilaalinayaan dambiilayaasha, laakiin maxkamadda ayaa go’aansatay inay siidayso

Ninka dhintay ayaa marka hore loo geestay jirdil sida mindi mada looga dhuftay sidoo kale qoorta iyo laabta, iyo dhowr xabadood oo lala dhacay Mid ka mid ah walaalaha ayaa qirtay inuu weerarka u adeegsaday mindi isagoo sheegay in uu jiro qof sadaxaad kaasi oo toogashada ka danbeeyay lakin isaga uu mindida isku difaacayay. Lakin walaalkiis ayaa gabi ahaanba beeniyay dambiga.

Hanna Lindblom, oo ah qareenka mid kamid ah walaalaha ayaa sheegtay inay ka xun tahay xukunka oo ay rumeysan tahay in racfaan laga qaadan karo, waxayna u aragtaa in maxkamada degmada ay sameysay qiimeyn aad u adag. Mid kamid ah dacwad oogayaasha dacwada, Joanna Levine, ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay go’aanka maxkamadda.

Somaliska Stockholm

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here