Booliska oo dhageysanaya dhamaan telefoonada Stockholm

0

Ka dib qaraxii ka dhacay Stockholm maalintii sabtida ayaa Laanta Amaanka ee Sweden (Säpo) ay sheegtay in ay dhageysanayaan dhamaan telefoonada ay dadka isku direen ee magaalada Stockholm.

Ujeedada ayaa lagu sheegay in ay tahay in la  baaro dhamaan xiriirada uu sameeyay ninkii is qarxiyay iyo cidii kale oo ku lug leh arintaas.

Sidoo kale Säpo ayaa baaraysa warar sheegaya in qof ka tirsan ciidanka milatariga Sweden uu ogaa qaraxa inta uusan dhicin. Sida ay qortay wakaalada wararka TT qof ayaa helay fariin SMS ah oo uu soo diray mid ka mid ah asxaabtiisa oo ka mid ah ciidanka milatariga kaasoo uga digay in uu ka dheeraado agagaarka Drottninggatan maalinta sabtida.

Sveriges Radio

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here