Mona Sahlin oo is casilaysa

0

Hogaamiyaha xisbiga Social Demokraterna Mona Sahlin ayaa ku dhawaaqday in ay is casili doonto markii la isugu yimaado shirwaynaha xisbiga ee Bisha Maarso ee sanadka 2011.

Waxaa la gaaray xiligii dadka gali ay fursad helilahaayeen” Ayay tiri Mona Sahlin

Mona Sahlin oo hada da’deedu tahay 53 jir ayaa xisbiga hogaaminaysay ilaa sanadkii 2007.

Sidoo kale Mona Sahlin ayaa iska casili doonta xubinimada ay ka tahay baarlamaanka Sweden balse waxay sheegtay in ay si fircoon xubin uga ahaan doonto xisbiga.

Xisbiga Social Demoktraterna oo ahaa xisbiga ugu wayn ee Sweden ayaa ka dib doorashadii sanadkaan dhacday dhulka galay ayadoo maalmihii ugu dambeeyayna ay xisbiga soo wajahday dhibaato xaga hogaanka ah ayadoo la filayo in ay sidoo kale is casilaan dhamaan gudiga hogaamiya xisbiga.

Ilaayo hada ayaan lagu dhawaaqin cidii badali lahayd Mona Sahlin.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here