Dood kulul oo ka dhacday baarlamaanka

0

Hogaamiyaasha xisbiyada ku jira baarlamaanka Sweden (Riksdag) ayaa dood kulul dhexmartay maanta. Ayadoo dooda ugu xiisaha badneyn ay dhexmartay hogaamiyaha xisbiga Social Demoktraterna Mona Sahlin iyo Hogaamiyaha xisbiga cunsuriga Jimmy Ã…kesson.

Mona Sahlin ayaa sheegtay in qasaare wayn uu soo gaaray dimoqraadiyada maadaama ay baarlamaanka Sweden ku soo bireen cunsuriyiin. Balse Jimmy Ã…kesson ayaa uga jawaabay in ay markii horeba xisbiga Social Demokraterna ay aheen cunsuriyiin.

Sahlin oo hadalkeeda sii wadata ayaa tiri “Sverige Demokraterna ma ahan xisbi Swedish ah, waa fikrad aan Swedish ahayn waxayna aaminsanyihiin awooda cadaanka”.

Xisbiyada ayaa sidoo kale isku weeraray arinta socdaalka iyo soo galootiga. hogaamiyaha xisiga liberalka Jan Björklund ayaa sheegay in uu la yaabay in cunsuriyiintu ay ka soo horjeedaan in shaqooyin loo abuuro dadka soo galootiga ah.

Balse Ã…kesson ayaa uga jawaabay in shaqooyinka loo abuurayo soo galootiga lagu cunsuriyaynayo dadka Swedishka ah asagoo sheegay in dhibaatadu ay tahay soo galootiga faraha badan.

sidoo kale hogaamiyaha xisbiga Cagaaran Peter Eriksson ayaa weerary cunsuriyiinta asagoo sheegay in Sweden ay wadan faqiir ahaan lahayd haddii aysan jirin isdhexgalka.

Dooda ayaa u muuqatay mid weerar dhowr jaho ay lagu soo qaaday xisbiga SD.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here