Cunsuriyiinta (SD) oo weeraray Cabdirisaaq Waaberi

0

Doodii kululeyd ee ka dhacday baarlamaanka Sweden isbuucaan ayay xubno ka mid ah xisbiga Cunsuriga ee SD ku weerareen diinta Islaam iyo qaasatan mudanaha Soomaliga ah ee Cabdirisaaq Waaberi oo ka tirsan xisbiga Moderatka.

William Petzall oo ka tirsan xisbiga cunsuriga ayaa asagoo ku dhaga hadlaya Cabdirsaaq Waaberi sheegay in xisbiga Moderatku ay soo galiyeen baarlamaanka nin xag jir ah oo aan ogoleyn in raga iyo dumarku ay isisalaamaan.

Hadalkaas ayaa keenay in gudoomiyaha baarlamaanka uu soo dhexgalo asagoo sheegay in aysan doodu ku saabsaneen shaqsi balse ay ku saabsantahay arimaha siyaasada.

Doodii markii ay dhamaatay ayaa la waydiiyay William Petzall sababta uu u weeraray Waaberi asagoo yiriWaxaan u hujuumay waa nin marar badan wareysi ku bixiyay Raga iyo Dumarka ineysan gacanta iska salaami karin, ineysa wada cayaari karin iyo waxyaabo la mid ah , Suaashaasna Xisbiga Moderaterna jawaab nagama aysan siinin ninkii aan u sheegeynana ayaa Baarlamaanka nala fadhiya”

Waaberi ayaa wax laga waydiiyay sida uu u arkay weerarka lagu soo qaaday asagoo yiri “Anigu waxaan u taaganahay waxyaabaha bulshada Sweden u taagan tahay, waxaan filayaa in William uu ka careysan yahay in aan Muslim ahay”

Abshir Cabdi Macow.

Uddevalla


AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here