Xagee laga soo booqdaa Somaliska.com

16

Warkaan waa mid hore, hada Somaliska.com waxaa soo booqda dad ka badan 30,000 bishii.

Tan iyo markii aan hawada galiyay boggaan Somaliska.com waxaa soo

Sweden magaalooyinka laga soo booqdo Somaliska.com

booqday kumanaan Soomaali ah oo caalamka kala joogaa, ayadoo inta badan dadka ku xiran Somaliska.com ay naga soo booqdaan gudaha dalka Sweden maadaama uu boggan u adeego Bulshada Sweden.

Kamuunada iyo magaalooyinka kala duwan ee Sweden ayaa aad looga akhristaa Somaliska, ayadoo magaalooyinka dadka ugu badan ay naga soo booqdaan ay ka mid yihiin Stockholm, Göteborg, Malmö, Fagersta, Linköping, Västarås, Norrköping iyo kamuuno kale oo aad u fara badan oo ay ku jiraan waqooyiga sida Umeå iyo Sundsvall.

Wadamada dibada ee nagala soo booqdo waxaa ka mid ah Kenya, Ethiopia, Djibouti, Somalia , USA, Malaysia, Pakistan, Italy, Greece iyo wadamo kale oo fara badan.

Ugu dambeyntii ayaa sidoo kale waxaa xiriir nala soo sameeyay dad aad u fara badan oo Soomaaliyeed oo kala jooga Sweden iyo dibada, anagoo isku daynay in aan caawino intii karaankeena ah. Hadaba waad mahadsantihiin ikhyaarta ku xiran boggan Somaliska – adeega aan u hayno bulshada Soomaaliyeedna waan sii wadi doonaa Insha Allah.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here