Baarlamaanka Sweden oo gudoomiye doortay iyo Cunsuriyiinta oo fashilmay

0

Baarlamaanka cusub ee Sweden ayaa doortay gudoomiye ka dib codeyn ayadoo gudoomiyaha

Per Westerberg - Gudoomiyaha baarlamaanka

cusub ee baarlamaanka loo doortay Per Westerberg oo ka tirsan xisbiga Moderatka ka dib markuu helay 194 cod, halka ninkii la tartamayay Kent Härstedt ee ka socday xisbiga Social Demokraterna uu halay 153 cod.

Ka dib doorashada Gudoomiyaha ayaa xisbiga cunsuriga ee Sverige Demokraterna ay sheegeen in ay doonayaan gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka ayadoo arintaa laga diiday oo loo magacaabay Susanne Eberstein oo ka socota xisbiga Social Demokraterna gudoomiye ku xigeenka.

Balse cunsuriyiinta ayaan halkaa ku harine dalbaday in musharaxooda loo magacaabo gudoomiye ku xigeen ka labaad ee baarlamaanka, ayadoo fashilka ugu weyn uu ku yimid hamigoodii ka dib markii codeyn la qaaday uu si aqlabiyad ah ugu guuleystay Ulf Holm oo ka socda xisbiga cagaaran.

Arintaan ayaa ka dhigeysa guul daradii ugu horeysay ee cunsuriyiintu ay kala kulmaan baarlamaanka ayadoo ay u muuqato in xisbiyada waaweyn ay ka dhabaynayaan go’aan koodii ahaa in la go’doomiye SD.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here