Xijaabka iyo Shaqada

1

Telefishinka Sweden ayaa baaritaan uu ku sameeyay sida loo arko haweenka xirta xijaabka ay gabadha Muslimiinta gashadaan iyo mida aan wadan markii ay timaado shaqo raadinta. Baaritaanka ayaa soo bandhigay in ay ku adagtahay gabdhaha xijaabka leh in ay shaqo helaan marka loo barbar dhigo kuwa aan wadan.

Telefishinka ayaa diray 2 gabdhood oo midna xijaabantahay midna aysan xijaabneyn ayagoo isku waxbarasho iyo waayo aragnimo leh. Labada gabdhood ayaa ku kala duwnaa in mid ay xijaabneyn oo magac Muslim ay lahayd halka mida kale aysan xijaabneyn oo magac Swedish ay lahayd, gabdhaha ayaa dalab u diray 200 shaqo.

Gabadha aan xijaabneyn oo magaceeda qiyaaliga uu ahaa Emma Svensson ayaa waxaa la soo xiriirtay 35 shirkadood, halka gabadha kale ee xijaaban oo magac looga dhigay Evin Ziadi ay soo weceen 8 shirkadood oo keliya.

Baaritaankaan ayaa soo bandhigaya sida ay ugu adagtahay gabdhaha Muslimiinta ah ee xijaaban iyo xitaa raga Muslimiinta ah ee aan magac Swedish laheyn in ay shaqo helaan.

Arintaan ayaa la is dhihi karaa waa cunsuriyad xaga shaqada ah ee ka jirta Sweden.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here