Doorashada Sweden iyo tartanka xisbiyada

0

Ayadoo ay 6 isbuuc oo keliya ka dhiman tahay doorashada baarlamaanka Sweden ayaa xulufada Xisbiyada talada haya ay u muuqdaan kuwo hogaanka u haya ololaha doorashada.

Afarta xisbi ee kala ah moderatka, xisbiga dhexe, liberalka iyo kuwa lagu magacaabo Christian democratka oo ah xulufada talada wadanka haysa ayaa ololaha ku hogaaminaya 49%.

Xulufada mucaaradka oo ka kooban xisbiyada Soshalka, Xisbiga bidixda iyo Xisbga cagaaran ayaa ka daba dhow oo hada haysta 46%.

Xisbiga fog ee lagu magacaabo Sweden democrats ayaa hada haysta 4% ayadoo laga yaabo in ay kursi ka helaan baarlamaanka.

Xisbiga Soshalka ayaa u muuqda mid aan si fiican u soo kaban ayadoo dadka ay filayeen in uu sidaan ka wanaagsanaado.

“Waxay u muuqataa in ay ka liitaan sidii 2006, ayadoo sanadkaas loo arkay masiibo ku habsatay xisbiga Socialka. Heerka ay hada joogaan waa mid aad u hooseeya, ayadoo xitaa aysan ahayn xisbiga ugu wayn wadanka oo ay horey u ahaayeen” Ayuu yiri Toivo Sjörén oo ah madaxa cod bixinta hay’ada Sifo.

Balse wargeyska Svenska Dagbladet ayaa ka digay tirada cododka ay soo bandhigtay Sifo ayadoo laga yaabo in 6 isbuuc ee dhiman ay wax badan isku badalaan.

Xigasho: The Local

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here