Madelaine Seidlitz oo ah Qareen ka tirsan hay’ada Amnesty International ee u dooda xuquuqul insaanka ayaa cambaareysay shuruuda baasaboorka ee ay Sweden ku xirtay qaxootiga Soomaaliyeed ee degenaanshaha ka soo dalbada dalka dibadiisa.
“Sharcigaan waxa uu caawinayaa dadka muqalasiinta ” ayay tiri Madelaine
Waxay sheegtay in Soomaaliya ay tahay meelaha ugu khatarsan caalamka sidaa darteedna waa in aysan Sweden ku xirin shuruud qoxootiga Soomaalida.
“Waa foolxumo in caruurta lagu xiro in ay cadeeyaan aqoonsigooda si loogu keeno waalidgood” ayay tiri Madelaine
Hay’ada qoxootiga ee UNka ayaa sheegtay in aysan habooneyn in lagu xiro Soomaalida aqoonsi si ay kharaabadooda u keensadaan. “Haddii hooyo Soomaaliyeed la siiyo sharci, waa in caruurteeda loo keenaa oo aan lagu xirin cadeyn aqoonsi” ayay hadalkeeda ku soo gabangabaysay Madelaine.
Xigasho: SmålandsPosten