Shaqaalaha dekadaha Iswiidhan oo ku dhaqaaqay cunuqabateyn Israel.

0

Shaqaalaha dekadaha Iswiidhan ayaa  ku dhaqaaqay cunuqabateyn dhowr maalmood ah oo ay saarayaan alaabada iyo maraakiibta laga leeyahay Israel ee ku soo xirata Iswiidhan.

Go’aankaan ayay qaateen ururka shaqaalaha dekadaha si ay uga mudaharaadaan dadkii ay Israel ku laysay bishii la soo dhaafay Khaza iyo cunaqabateynta ay ku hayso Khaza.

Cunaqabateynta Israel ee dekadaha Iswiidhan ayaa dhamaan doonta 29ka bisha Juun.

Gudooomiyaha ururka shaqaalaha dekadaha Björn A ayaa sidoo kale ku baaqay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo falkii ay Israel ku laysay dadka rayidka ah biyaha Khaza bishii May.

The Local.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here