Shirka (muctamarka) 18-aad ee Ururada Skaandaneefiyanka 2010 Stockholm

0

Walaalayaal salaanta islaamka ka dib waxaan halkaan idiinku soo gudbinaynaawarbixinta shirkii 18aad ee ururada Skandaneefiyanka oo kooban. Walaalayaal sidaad badankiinuba ogtihiin shirkaani wuxuu ka mid yahay shirarka taxanaha ah ee ay soo diyaariyaan ama qabanqaabiyaan walaalada ururada hormuudka dacwada ee Skandaneefiyanka.

Shirkaan waxaa sanadba sanadka ka dambeeya ka soo qaybgala dad aad iyo aad u farabadan oo ka kala yimaada.inta badan  dunida dacaladeeda sida ,Ameerika, kanada, Australiya, iyo waliba Yurub oo  dad badan oo culimo iyo caadiba lihi ku xisaabtamaan ka qaybgalkiisa ama dhegaysigiisa iyada oo la adeegsanayo aaladaha kala duwan ee alle inoo sakhiray siada Internetka.

Shirarkan oo lagaga faa´iidaysto culimada soomaaliyeed xagga diinta iyo maadigaba, haddana waa bar kulan oo dad aad u badani oo kala maqnaa muddo badan ku kulmaan oo ama ehel ah amaba saaxiibo ah.

Faa´iidooyinka shirka:

Shiraarkan oo  la qabanay hadda  muddo badan ayaa hada kan uu yahay kiisi  18-aad.

Lama  soo koobi karo waxyaalaha faa´iidada ah ee uu u leeyahay ummada soomaaliyeed, khaas ahaan kuwa ka qaybgala ama uu wax ka gaaro, waxaanse ku soo koobi karnaa oo kaliya arrimahan soo socda:

  1. Waxaa kor u kaca garaadka iyo aqoonta diinta islaamka ee dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan reergalbeedka, kuwaasi oo fursad u hela inay  waydiiyaan culimadooda si toos ah ama si aan toos ahaynba. arrimaha diintooda
  2. waxaa fursad isu hela dad badan oo soomaaliyeed oo ah aqoonyahano, kana wada xaajoodad arrimahooda guud iyo sidii wax looga qaban lahaaba.
  3. waa bar kulan oo dadbadan oo iswaayay ku kulmaan  si ku talagal ah ama kama`ah.
  4. Waa goob lagu barto ama laga dhaxlo qiimaha wax wadaqabadka,iskutashiga, dulqaadka iyo kafikirida arrimaha caamka ah ee guud.
  5. waa meel lagaga nasto aduunyada iyo mashquulkeeda oo lagu tarbiyadeeyo nafta in ay malmahaas aakhiradeeda u shaqaysato oo ay Garowsato shilinka oo uun la eryaa anfac weyn lahayn, xaalkuna yahay saaca bi saaca.

Culumada ka soo qayb galeysa muctamarka.

  1. Sh. Maxamed Idris. – Sucuudiga
  2. Sh. Maxamed Cabdi Ummal – Kenya
  3. Sh. Axmed Xaaji Cabdiraxmaan – Soomaaliya
  4. Sh. Yuusuf Axmed – Sweden
  5. Sh. Mustafa Xaaji Ismaaciil – Norway
  6. Sh. Cabdiraxmaan Abyad – Denmark
  7. Sh. Cabdiraxiin Abu Ceynan – UK
  8. Sh. Cali Maxamed Saalax – Norway

Goobta iyo Taariikhada muctamarka

Shirka ayaa ka dhici doona

RinkebyStråket 13, Rinkeby, Stockholm

Wuxuu soconayaa 1 – 4 July

Asxaabta Somaliska ayaa ka qayb gali doonta shirka, intii imaan karta kheyr ayaanu rajeyneynaa intaan imaan karina waxaan ugu bishaareyneynaa in ay si LIVE ah ay kaga daawan karaan boggan Somaliska.com

Wixii warbixin dheeri ah waxaadka daalacan kartaa http://www.masjidunur.com

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here