Dhalinyaro haysata dhalashada Sweden oo ku biirtay dagaalka Soomaaliya.

0

ururka Al-shabaab ee Somaliya ayaa qortay ilaa 20 dhalinyarohaysatadhalasha Iswiidhan si ay uga dagaalamanaan dalka Somaliya, sida ay sheegtay Hay’ada Amniga ee Sweden (Säpo).

Sida uu qoray wargeyska Göteborgs-Tidningen ururka Xarakada Al-shabaab ayaa aruursaday ilaa 20 dhalinyaro iswiidhish ah.

Magaalada Göteborg ayaa ilo dhowr ah u arkaan meesha ugu weyn ee Al-shabaab ay dhalinyarada ka qoroto. Sidoo kale Sweden ayaa ah dalka ugu badan ee dhaqaalaha looga aruuriyo ururka sida uu sheegay Per Gudmundson oo xaalada Somaliya indha-indheeeya waxna ku qora Svenska Dagbladet.

“Waxaan u maleynayaa in ay tahay qatar saa’id ah , oo aan qatar ku aheyn Somaliya oo kaliya balse xitaa Sweden” ayuu Gudmundson u sheegay wargeyska The Local.

“Dadka aada meelaha dagaalada iyo khilaafyada ka jiraan waxay soo laabtaan ayagoo tababaran. Sweden waxaa noo joogey dadka ku soo tababartay Afganistaan soona laabtay ayagoo waayo aragnimo leh. Tixgalin ayay ku leeyihiin bulshada Jihaadka dhalinyaradana way ku dhiiri galinkaraan in ay dagaalamaan. Sidoo kale markii ay timaado amaanka Sweden tan anaga kama gaashaanin. Kartoonkii Muxamed ayaa na tusay in Yurubta galbeed ay bartilmaameed noqon karto” Ayuu intaas ku daray Gudmundson.

Masjid ku yaala Göteborg ayuu nin Somali-Danish ah oo isku dayay in uu dilo ninkii nabiga aflagaadeeyay isku dayay in uu ka qoro dhalinyaro u dagaalanta Al-shabaab.  Sidoo u qoray wargeys Denmark ka soo baxa.

“Dad Al-shabaab taageera halkaan ma joogaan” ayuu Abdi Fatah Shidane oo ah afhayeenka Masjidka u sheegay wargeyska Göteborgs-Tidningen.

Al-shabaab dhalinyarada way maskax dhaqeen, waa tababareen waana qoreen sida qof warbixin ka hayaa xaalada uu u sheegay wargeyska. Mid ka mid ah dadkii la qoray ayaa loo xiray in uu isku dayay dilka Madaxa Xisbiga Shacabka ee Denmark.

Sida ay sheegtay Hay’ada Amaanka ee Sweden dadka Al-shabaab taageera waxay ku badan yihiin magaalooyinka waaweeyn, Magaalooyinkaas ayaa dadka laga qoraa, lacagtana looga aruuriyaa Xarakada.

dambi baaraha Per-Olof Hellqvist ayaa wargeyska u xaqiijiyay in dhalinyaro dhalashada Sweden haysata ay u safreen Somaliya.

“Balse, ma naqaan waxa ay ka sameynayaan halkaas” ayuu intaas ku daray.

Sida laga soo xigtay Gudmundson Qaramada Midoobey ayaa Sweden u aragta wadanka ugu badan ee dadka looga qora Al-shabaab lagana fangareeyo.

“Dhibaatada Jihaadka Denmark ayay ku xuntahay, Balse midka Somalidu Sweden ayuu ku badan yahay” ayuu u sheegay wargeyska The Local.

Wasiirka is dhexgalka iyo Sinaanshaha ayaa ku amray Hay’ada Amniga Sweden in ay baaritaan ku sameyso xadka ay gaarsiisantahay dadka diintooda dartood dhibaato u geysankara.

Gudmundson waxa uu ku qayaasayaa ilaa 1500 oo qof oo Sweden ku nool in lagu tirin karo in ay yihiin Islaamiyiin, halka 100 ilaa 200 laga yaabaa in ay khalalaase ka qeyb qaateen.

“Tiradan ma badna, laakiin sida aan ognahay wax yar ayaa ku filan in ay dhibaato geystaan. Qaar badan waxay ka tahay wadaniyad. laakiin dhalinyarada ayaa aad ugu nugul, qaabka ay nolosha u arkaan way naga duwan tahay” ayuu u sheegay The Local.

400,000 ilaa 500,000 qof oo Sweden ku nool ayaa ka soo jeeda Muslimiin.

“Inta badan Al-shabaab waa arin ku kooban Somaliya, laakiin waxay soo jiitaan dhalinyaro ka hesha jihaadka caalamiga. Balse waxyar ayaa doonaya in ay Soomaaliya u safraan” ayuu Gudmundson yiri asagoo hadalkiisa sii wata.

Sababta ay Göteborg u tahay meesha ay Al-shabaab ku firfircoon yihiin Gudmundson waxay la tahay in ay la xiriirto qabiilada Somaliya, taas oo ay sii raacdo Göteborg oo ah hooyga bogga Internet-ka ee alqimmah.net kaas oo uu aas aasay nin Nazi ahaan jiray oo Muslimay asagoo ku qora warbixin u badan Carabi iyo Somali.

“Sweden kuma fiicna isdhexgalinta bulshada Somalida markii loo barbar dhigo Maraykanka iyo Ingiriiska”  ayuu Gudmundson intaas ku daray.

Asagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri “Waxaan bixinaa nolol fiican, waana qaali in qof la shaqaaleysiiyo. Soomaalidu inta badan aqoon ma leh, mana fududa in la shaqaaleysiiyo. Aad ayay ugu adagtahay bulshada Somalidu in ay ku soo biiraan suuqa shaqada”

Intaas waxa uu ku daray in uu aaminsanyahay in xaalada Somaliya ay ka sii dareyso. “Waan ogahay in lala yaabayo markaan saas ka iraahdo wadan soo maray 18 sano oo dagaal ah, balse hada ayay ugu daran tahay waayo dowlada daciifka ah waxay la dagaalameysaa Islaamiyiinta balse xitaa Islaamiyiinta ayaa dhexdooda dagaalamaya. Qofba qofka kale ayuu ka soo horjeeda” ayuu hadalkiisii ku soo gaban gabeeyay Per Gudmundson oo si weyn ula socda xaalada Somaliya waxna ku qora Svenska Dagbladet.

Warbixintaan waxaa qoray wargeyska thelocal.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here