Safaarada Sweden ee Uganda oo xaqiijisay in ay qaban doonto codsiyada degenaanshaha Somalida.

0

Warbixin ay soo saartay safaarada Sweden ee Kampala, Uganda ayay ku sheegtay in aysan ka aqbali doonin codsiyada sharciga degenaanshaha dadka ajanabiga ah marka laga reebo dadka soomaalida. Warbixinta safaarada ayaa sidan u khorneyd.

“Safaarada Sweden ee Uganda ma aqbali doonto codsiyo dambe ee degenaanshaha Sweden ka bilaabata 7da April 2010. Marka laga reebo dadka Soomaalida degan Uganda.

Dadka Soomaalida ah ee doonaya in ay xareystaan codsi degenaansho, waxaa laga doonayaa in ay codsadaan balan oo ay safaarada E-mail u soo diraan ama warqad. Ka dib ayaa safaaradu balan kuu qaban doontaa aad ku xareysid codsigaaga , iyadoo sidoo kale balan wareysi laguu qaban doono. Fadlan la soco waqtiga ay qaadato inta aad wareysiga sugeysid hada waa 5 bilood ka bilaabata maalinta aad codsiga xareysid. “

Xigasho: Safaarada Sweden, Kampala.

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here