Warbixin ku saabsan baasaboorka iyo dhiiga dna.

11

Warbixintaan waxaan ka soo turjunay bogga Laanta Socdaalka ee Sweden. Laanta Socdaalku waxay  qortay bishii Maarso ee sanadkan.

Labo go’aan oo mardhow ay gaartay Maxkamada Socdaalka ee Racfaanka ayaa waxay go’aamisay in qaraabada degenaanshaha ka dalbanaya Sweden ay keensadaan baasaboor. Go’aankaan ayaa waxa uu qabanayaa xitaa dadka ka soo jeeda wadamada ay ka midyihiin Soomaaliya taasoo ay ku adagtahay ama aysan macquul ahayn dadka Somalida in ay keenaan baasaboor laga aqbali karo Sweden.

Tan ayaa waxay aad ugu adkeynaysaa dadka qaraabada ah in ay degenaansho ka helaan Sweden haddii aysan haysan baasaboor.

Wadooyin kale ayaa furan marka ay timaado caruurta iyo caruurta waalidkood u dacwooneysa.

Dhiiga DNA-da ayaa loo isticmaali karaa in la ogaado in waalid degan Sweden  uu yahay waalidka dhalay ilmo. Sidaasoo kale qof waalid ah oo dibada ku nool ayaa lagu ogaan karaa in uu yahay waalidka dhalay ilmo ku nool Sweden. dhiiga DNA-du wuxuu cadeyn karaa qofka aqoonsigiisa si waalidka ama caruurtu ay degenaansho uga helaan Sweden.

Mararka qaar Laanta Socdaalka ayaa siin karta baasaboor dadka aan aysan baasaboor wadankoodii ah, Balse tani macquul uma aha qaraabada ku nool wadankoodii hooyo, maadaama baasaboorkaan aan la siin dadka ajanabiga ah ee ku nool wadankoodii.

Sida u degsan Sharciga Ajanibiga ee Sweden qofkasta oo ajanabi ah waa in uu haystaa baasaboor uu ku soo galo Sweden kuna joogo. Maxkamada Socdaalka ee Racfaanka ayaa go’aamisay in qofkasta laga rabo in uu haysto baasaboor. haddii aysan jirin sharci qaas ah oo sidaas si ka duwan qoraya.

Mid ka mid ah ujeedooyinka laga leeyahay baasaboorka waxay tahay in la ogaado aqoonsiga qofkasta ee Sweden laga siiyo deganaansho. Balse, sharciyo cadeymo kale ayaa qaban kara kooxo ka mid ah dadka – taas oo macnaheedu yahay in ay deganaansho heli karaan walow aysan cadeyn aqoonsigooda – dadkaas waxaa ka mid ah dadka qaxootinamada ka dalbada Sweden, kuwa magangalyada u baahan, kuwa qaxootinimada loo aqoonsado iyo dadka qaxootiga ee Sweden ay wadamada kale ka soo qaado.

Warbixintaan oo English ku qoran ama Iswiidhish waxaad ka aqrisan kartaa bogga Laanta Socdaalka migrationsverket.se

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here