Qaadashada kaarka aqoonsiga oo la fududeyn doono

0

Sida uu qoray Radio Sweden International, dadka qaxootiga ee dagenaanshaha la siiyay ayaa loo fududeyn doonaa in ay helaan kaarka aqoonsiga mudo ka yar inta hada ay ku qaadato iyo sharuudo ka dhib yar,

Sida uu Qoray Radiyaha

Soo-galootiga ayaa la siin doonaa loona sahli doonaa qaadashada teesaraha Iswiidhishka iyadoo aasaas looga dhigayo macluumaadka iyo warbixin laga helo hay’adda socdaalka .

Wasaaradda Maaliyadda ayaa hadda soo bandhigtey sharci dhabatus oo arrintaas ku wajahan.

Maanta ayaa si qofku teesarahaas u helo ,waxaa lagu xiraa in uu keensado aqoonsi ansax ah oo muujinaya qofka uu yahay ,taas badalkeedana ay tahay in uu keensado qof kaloo  heeysta teesaraha Iswiidhishka, cadeeyana qofka uu yahay si uu aqoonsigaas uga helo hay’adda canshuuraha.

Laakiin haddii uusan qofku heeysan qof hawshaan ka caawiya sida shaqa bixiye ama qof qaraaba ah iyo qof ka socda shaqaalaha dagmada uu dagan yahay ,ayaa qofka loo diidaa helidda teesarahaas.

Sharcigaan dhabatuska ah oo ay wasaaradda maaliyaddu soo jeedisey ayaa xanbaarsan in xilliyada soo socda si qofka loo caddeeyo, la isticmaali doono warbixinta qofkaas ugu qoran sharciga daganaashaha oo uu hay’adda socdaalka ka heley .

Wasiirka maaliyadda Anders Borg ayaa shir jaraa’id oo uu qabtey,ayaa  ku sheegey in suuragalka qofka loogu sahlayo in uu helo teesaraha aqoonsigu ,sii balaarineeyso in uu si wanaagsan bulshada u dhexgalo.

Isbadalkaan ayaa la filayaa in uu dhaqangalo 1-da bisha oktoobar ee sanadkaan.

Waxaan ka soo xiganey Websiteka Radio Sweden International

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here