1000 Muslimiin ah oo isku hareereeyay kaniisada Yuhuuda ee Oslo

4

Muslimiin tiradooda lagu qiyaasay 1000 qof ayaa shalay isku hareereeyay kaniisada Yuhuuda ee ku taala magaalada Oslo. Muslimiinta ayaa sheegay in ujeedada ay tahay in taageero loo muujiyo Yuhuuda ku nool Norway oo ay cabsi la soo daristay ka dib markii weerar lagu qaaday kaniisada ay ku leeyihiin magaalada Copenhagen ee Denmark.

Muslimiinta ayaa isku wareejiyay kaniisada si ay u muujiyaan in ay difaacayaan kaniisadaha Yuhuuda isla markaana ay cambaareynayaan weerarada lagu haayo Yuhuuda. Dadka ka soo qeyb galay dibad baxa ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ka midyihiin “Dooni Mayno Naceynka Yuhuuda, Dooni Mayno Naceybka Islaamka.”

Yuhuuda ku nool Norway ayaa lagu qiyaasaa in tiradooda ay gaarayso 1000 qof oo keliya. Dhismayaasha Yuhuuda ay ku leeyihiin wadamada Norway, Sweden iyo Denmark ayaa isbuucyadii la soo dhaafay aaad loo ilaalinayay ka dib markii uu nin Falastiini ah weerar ku qaaday Kaniisada Copenhagen.

In dad isku sheegaya Muslimiin ay weeraraan goobaha ay ku cibaadaystaan dadka diimaha kale ayaa ah mid laga xumaado iyadoo la wada ogyahay in taasi aysan ogolayn diinta Islaamka.


 

AD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here